Faah faahin:- Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

0 250

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Wadajir gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Danwadaagta waxaa ka dhacay maqribnimadii caawa qarax aad u xoogan.

Qaraxan ayaa nuuciisa wuxuu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir.

Qaraxan oo lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa waxa uu dhacay markii halkaasi ka gudbay gaariga Guddoomiye kuxigeenka, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray Hal Askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Ciidamada ayaa intasi kadib waxa ay rideen rasaas fara badan oo ay kaga jawaabeen qaraxan dhacay, dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen jugta qaraxan in ay aad u maqleen.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye kuxigeenka aanay wax khasaare ka soo gaarin qaraxan, balse muraayada hore ee gaarigiisa ay jabtay.

Hay’adaha ammanka ayaa waxa ay tageen goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaasi waxa ay ka wadaan Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, laguna daba galayo raggii falkan ka dambeeyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.