Faahfaahin Qarax ka dhacay Duleedka Jowhar

0 186

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 4 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle sidda ay Radio baydhabo u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu ka dhacay Kontoroolka Degaanka Xaanshooleey oo 4 Km Waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar.

Dadka dhintay 2 ka mid ah waa Ciidamada dowladda, halka qof kalena uu yahay Shacab.

Qaraxa waxaa uu ahaa Miino lagu Aasay wadada dhinaceeda.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo ka baxay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.