Farmaajo oo xariga ka jaraya Garoonka Garowe

0 236

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) oo shalay gaaray magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta lagu wadaa inuu xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe, oo si casri ah loo dhisay.

Waxaa saakay magaalada Garowe ka socota qaban qaabada ku saabsan Munaasabadda xarig jarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe, waxaana wariyeyaasha lagu wargeliyay xalay, iyada oo loo sheegay in xariga laga jarayo Garoonka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa magaalada Garowe kaga qeyb galaya Xaflada Afar sano guuradii ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo ku beegan maanta 08-da January 2018.

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, Ciidamada Puntland ayaa lagu daadiyay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garowe, waxaana ay wadaan hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Magaalada Garowe, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.