Furitaankii kala fadhigii 8aad ee Barlamaanka soomaaliya oo maanta Baaqday

0 313

jawaariApril 10 (Radio Baidoa )— Waxaa dib u dhac uu ku yimid furitaanka kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta oo Axad ah ka furmi lahaa xarunta Golaha shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo soo xaadiray kalfadhiga ayaa lagu wargeliyay inuu fadhiga maanta baaqday, isla markaana uu berri u dhacay.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in kalfadhiga uu u baaqday markii Madaxweynaha oo la filayay inuu furo uu imaan waayay.

Mr Jawaari ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulsan yahay shirar kale, sidaas darteed uu shirka u dhacay maalinta berri oo Isniin ah.

Jawaari ayaa sheegay in dastuuriyan ay tahay in Madaxweynaha uu furo kalfadhiga, isla markaana uu soo xiro, isla markaana khudbad ka jeediyo.

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay, iyadoo mudada baarlamaanka hada jira ay ku egtahay bisha Agosto oo lagu wado in la soo dhiso Baarlamaan cusub.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.