Gaadiidkii Ugu Badnaa Shixnad sida Oo ku Xayiran Sh/Hoose

0 42

Gaadiidka waaweyn ee ah kuwa nooca xamuulka qaado ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay ku xayiran yihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegayaan wararka aan heleyno.

Sababta gaadiidkaas oo gaaraya ku dhawaad 60 gaari ay u xayiran yihiin ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, mid la xiriirta dhinaca amniga wadada u dhexeeysa degmada Afgooye iyo Magaalada Baydhabo.

Qaar kamid ah gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta u sheegay in wadada ay ku sugan yihiin Maleeshiyo beeleed hubeysan, isla markaana aysan wadada mari karin xiligaan, iyagoo ka cabsanaya in gaadiidka oo sida shixnado Ganacsi laga gubo.

Sidoo kale Milkiilayaasha gaadiidka ku xayiran degmada Afgooye ayaa Madaxweyne Lafta-gareen ka dalbaday in wax laga qabto cabashooda oo ku aadan amniga wadada, iyagoona tilmaamay in haddii arrintaas ay dhici weydo ay gaadiidkooda dib ugu soo celin doonaan Muqdisho, xili Maamulka Koonfur Galbeed uu ka qaaday lacagta Canshuurta.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa maalin kahor gaadiid siday shixnado kala duwan oo u rarnaa Ganacsato ku gubay deegaan hoostega degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii gaadiidkaas rag hubeysan ay wadada u galeen.

Gaadiidka la gubay ayaa u rarnaa Ganacsato ku sugan Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, kuwaasi oo gaarayay ilaa iyo 6 gaari oo ah kuwa xamuulka qaado ah, isla markaana ka baxay Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.