Gaalkacyo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu weeraray

0 245

Kooxo hubeysan ayaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafadda Saalama ku weeraray Sarkaal ka tirsan ciidamada Canshuuraha Puntland ee Gaalkacyo.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Sarkaalkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Muuse Afrax, waxaana uu ahaa kuwa aruuriya canshuuraha laga qaado Xaafadaha.

Kooxaha Weeraray Sarkaalkaasi ayaa watay Bastoolado, waxaana la sheegay in ay baxsadeen markii ay weerarka geysteen.

Sarkaalkaasi ayaa waxaa soo gaaray Dhaawac.

Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa bilbaabay howlgal ka dhan ah Kooxihii Sarkaalkaasi Weeraray , waxaana jira dhaliyaro laga soo qabtay Xaafadda Salaama ee Gaalkacyo.

Muuse Afrax ayaa dhawaaciisa waxaa lagu dabiibiya Isbitaal ku yaalla Gaalkacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.