Gaari ay leeyihiin AMISOM oo Qof Dumar ah ku jiiray Muqdisho

0 295

Gaari ay leeyihiin Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM ayaa Maanta Afaafka hore ee Hotelka Jaziira ku jiiray Qof Dumar ah.

Goobjoogeyaal ayaa Radio Baydhabo u sheegay in Qofkii Dumarka aheyd ee Gaariga ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ay jiireen ay isla goobta ku dhimatay.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Gacanta ku dhigay Gaarigii Ciidamad AMISOM ay wateen oo hadda ku wada baaritaano.

Dhowr Jeer ayaa Ciidmada AMISOM waxaa ay jiireen Dad rayid ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho  ee Caasimadda Soomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.