Gaas “Dowladda dhexe ma matasho Soomaaliya” April 26, 2018

0 187

C/wali Maxamed Cali (Gaas), Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib hadal uu warbaahinta ku siiyay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Gaas ayaa marka hore sheegay in Puntland ay geli karto heshiisyo caalami ah, wuxuuna tilmaamay Magaalada Muqdisho oo xarunteedu tahay Dowladda dhexe in aysan matalin Soomaaliya oo dhan.

Madaxweynaha Gaas oo cadeynayay in Puntland ay geli karto heshiisyo caalami ah ayaa tusaale u soo qaatay qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland, kaasi oo ka hadlaya arrimaha ku aadan heshiisyada Puntland ay la gali karto dowladaha caalamka.

Waxa uu daboolka ka qaadey in awoodda dalka Soomaaliya oo dhan aysan ahayn mid ku arursan magaalada Muqdisho, waxaana uu yiri “Soomaaliya ma ahan Muqdisho, Muqdishana ma ahan Soomaaliya.”

Gaas ayaa ku bogaadiyay Dowladda Imaaraadka kaalinteeda Soomaaliya, oo ka taageertay dhinac walba intii uu burburka ku jiray wadanka, isagoo carabka ku dhuftay in Imaaraadka yahay dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameeyay Soomaaliya.

Khilaafka ka dhexjira Dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa xoogeystay kadib markii Dowladda dhexe ay la wareegtay lacagtii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha, taasi oo keentay in Imaaraadka uu joojiyo Barnaamijyadii Ciidan ee uu ka waday gudaha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.