Galmudug oo ciidamo geysay deegaano ay ka dhaceen dilal la xiriira aanooyin qabiil

0 151

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal salka ku hayay anooyin qabiil oo ka dhacay degaano ku dhaw degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamed ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Radio baidoa ku sheegay in gaari NOAH ah lagu rasaaseeyay tuulo 15-KM ujirta degmada Balanbale.

Saddex qof oo rag ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, kuwaasi oo laba ka mid ah dhaawacooda uu darnaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Sidoo kale degaanka Balihood ayaa waxaa lagu dilay nin ka mid ahaa dadka degaanka, iyada oo burcadii geysatay falkaasi dilka ah aanan gacantra lagu soo dhigin.

Guddoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamed ayaa sheegay in hada ay u joogaan ciidan, balse wuxuu tilmaamay in ciidan kale oo dheeraad ah ay ka dalbadeen maamulka Galmudug, si looga hortago dadka macna darada lagu dilayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.