Ganacsade Caan ah Oo Maanta Deeq Gaarsiiyey Degmada Xuddur

Ganacsade Salaad Maxamed Muqtaar Salaad Jeeri oo kamid ah ganacsatada konfur Galbeed ayaa diyaarad shixnad gar gaar ah wada waxa uu maanta soo gaarsiiyey Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Xaalada Xudur ayaa soo hagaageysa Waxaa Maalmahan si Isdaba joog xudur usoo gaarayay gargaar bani,aadanimo oo ay kutabarucayan ganacsato Soomaaliyeed.

Qiimaha Raashiinka ayaa hoos u dhac laga dareemayaa waxaana dhawaan lafilayaa inay Magaalada Xudur ay soo gaaraan inkabadan 40 gaadiid oo wada Raashiin iyo badeecooyin kala duwan.

Tani ayaa waxaa ay qeyb ka tahay Baaqii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ee ahaa in loo soo gurmada Shacabka ku dhibaateysan Gobolka Bakool Gaar ahaan Degmada Xuddur.