Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

0 310

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika Koox burcad ah ayaa xalay Ganacsade Soomaaliyeed waxa ay ku dileen magaalada Cape Town ee dalkaasi.
Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abuukar Macalin Xasan, waxaana la dilay isaga oo ku sugan xaruntiisa Ganacsi.
Dilka kadib ayaa Burcada waxa ay goobta ka qaateen lacago iyo alaab wixii u qaatami karay.
Cape Town waxa weli yaalla maydka Marxuum Cabdullaahi Macalin Cali, waa muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo isna maalin ka hor ay dishay koox hubeysan.
Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ku nool, ayaa walaac xoogan ka muujiyay falkan dilka ah ee loo gaystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka South Afrika.
Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso Dowladda South Afrika.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.