Ganacsate somaaliyed oo ku sugan Dubai aya si kulul uga hadlay macaashka Alshabaab iyo Kenya ay ka helaan dhuxusha iyo sonkorta

0 914

(Radio Baidoa, 13 November 2015) Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka “Journalists for Justice rights group” ayaa waxay shalay soo bandhigeen Warbixin ku aadan inay Ciiddanka Kenya, Xarakadda Alshabaab iyo Maamulka Axmed Madoobe macaash badan ka helaan Canshuuraha laga qaado Sonkorta iyo Dhuxusha ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ganacsatadda badeecadaha ka soo dejiya Dekedda magaalladda Kismaayo.

Qaar ka mid ah Ganacsatadaasi oo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Kharajka ay dhinacyadaas helaan ka badan tahay Kharajka lagu sheegay Warbixintii ay Kooxda Suxufiyiin Kenyan ka soo saareen arrimahaasi.

Canshuuraha Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo waxaa Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab laga siiyaa bishiiba lacag u dhexeysa Hal million oo Dollar ilaa Labo million oo Dollar.

Alshabaab ayaa la sheegay inay 25 million oo Dollar sannadkiiba ka helaan Cabshuurta Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Ganacsatada waxay kaloo sheegeen in Hal million oo Jawaan dhuxul ah bishiiba laga dhoofiyo Dekedda magaalladda Kismaayo oo ay si wadajir gacanta ugu hayaan Maamulka Jubba iyo Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale,  Kawamjetsi Makhoha oo La-taliye u ah Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka “Journalists for Justice rights group” ayaa sheegay in su’aalaha haatan u baahan in laga jawaabo inay tahay Ujeedada Rasmiga ee ay Ciiddanka Kenya ka hayaan gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in Caddaymaha cusub ee haatan la hayo muujinayso inay Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Sonkorta Kontorobaanka ee loo gudbiyo gudaha Kenya.

Warbixinta Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka “Journalists for Justice rights group” oo loogu magac daray Cad iyo Madow “White and Black” ayaa lagu xusay inay Ciiddanka Kenya 400 million oo Dollar sannadkiibka ka helaan Sonkorta ka soo degta Dekedda Kismaayo ee sida Kontorobaanka loogu gudbiyo gudaha Kenya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.