Garab ka mid ah maamulka Khaatuma oo dagaal ku dhawaaqay

0 170

Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa shaaciyay in ay dagaal ku qaadi doonaan maamulka Somaliland,islamarkaana ay garab taagan yihiin maamulka Puntland.

Cagalule ayaa sidoo kale sheegtay in uu yahay madaxweynaha Khaatumo ,islamarkaana ay si buuxda u taageeraysan yihiin dagaalka ay Puntland ka waddo gobolka Sool.

Waxaa uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi , oo sheegay in uu dagaal ka dhanka Puntland uu ka waddo degaanada ka tirsan gobolka Sool.

Waxaa uu ku canaantay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland,isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay in ay jiraan rag aqoonyahanno loo qabay oo Somaliland been ku qancisay,islamarkaana dhuuni dartiisa u taageersan kala go’ynta umadda Soomaaliyeed iyo burburinta jiritaanka iyo qarannimadeeda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.