Garabka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo loo doortay madaxweynaha maamulka Galmudug

0 205

Doorasho ka dhacday degmada Dhuusa-Mareeb ayaa madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo horay u ahaa hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca.

Doorashada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa imaneysa xili khilaaf weyn uu maalmihii ugu danbeeyayba ka taagnaa hannaanka ay Dowladdu u maamuleyso doorashada madaxweynaha Galmudug oo ay siweyn uga soo horjeesteen garabka Ahlu Sunna Waljameeca iyo musharixiinta qaarkood.
Doorashada ayaa u dhacday hab gacan taag ah waxaana codeeyay xildhibaanno dhawaan looga dhawaaqay Galmudug oo ka tirsan garabka Ahlu Sunna Waljameeca.

Beesha caalamka ayaa xalay qoraal soo baxay waxaa a yka digeen kala qabsanaan ka dhalata doorashada Galmudug.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyayba ku howlaneyd dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.