Gen. Tareedisho ” 120 Al-Shabab ah ayaan ku dilnay howl-galadii ugu dambeeyay ee Hiiraan”

0 257

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaybta 52–aad Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay inay ku dileen howl-galadii ka socday Gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishaan 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaal sar-sare, isagoo intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen intii howl-galka uu socday tiro kale oo katirsan Al-Shabaab.

Janaraal Tareedisho oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay inay Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Walaalahooda Hiil-Walaal ee AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen Degaanno.

Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in howl-galadaasi ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dhulka buuraha ah ay sii socon doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi ayaa horay ugu dhawaaqay guluf ka dhan ah Al-shabaab, taasoo keentay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ay Howl-gallo qorsheysan ka fuliyeen qaar kamid ah Gobolada Dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.