Golaha Aqalka Sare oo cambaareeyey Go’aankii Trump

0 244

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada muqdisho,iyaga oo kulanmooda uga hadlay qodobo dhowr ah.

Aqalka Sare ayaa cod uqaaday Mooshin ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madaxbanaanida Falastiin,kaas oo uu soo saarey Madaxweyne trump,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhamaan mudanayaashii fadhiga Maanta soo xaadiray oo gaarayay 30 Senator.

Horey ayaa go’aanka Trump waxaa u taageeray laba kamid ah dowladaha Carbeed sida Masar iyo Sacuudiga,iyaga oo sheegay in ay ku jirto nabada wadamada Bariga Dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.