Guddi Loo Xil-Saaray Xaaladaha Xuduudka Somalia Iyo Kenya Oo gaaray Muqdisho

0 51

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan Balal Maxamed Cusmaan ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo wafdi ka socday IGAD ayaa ka wada hadlay Xaaladaha ka jira Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, maadaama wafdiga ay yihiin kuwo Guddi xaqiiq raadin ah oo xil saaray Xaaladaha ka jira Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

IGAD ayaa guddi u saartay guddi qiimeyn xaalada xuduuda, kaddib markii ay dalbatay dowladda Soomaaliya, waxaana guddigan ay dib ugu celin doonaan xog ku saabsan wixii ay ku soo arkeen goobihii ay kormeerka ku tageen ee xuduudka iyo kulamada mas’uuliyiinta labada dal la soo yeesheen.

Sidoo kale Guddiga ayaa horey u tegay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barrie e dalka Kenya, waxaana Guddiga ay yihiin kuwo qiimeyn ku saameyn doona xuduudka labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December 2020 xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhiftay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, kaddib markii ay kala soo baxday dhammaan diblomaasiyiinteeda ku sugnaa, dowladda ayaa ku eedeysay inau faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.