Guddiga Amniga Qaranka oo shir uga socda Madaxtooyada

0 187

Guddiga Amniga Qaranka ayaa shir uga socda Xarunta Madaxtooyada, kaasoo la sheegay inuu shir guddoominayo Madaxweyne Farmaajo.

Guddiga Amniga Qaranka oo uu madax u yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xubno ka ah Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashaandhigga, Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo arrimaha ammaanka caasimadda, iyadoo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo.

Shirkan oo todobaadkiiba mar ay yeeshaan Guddiga ayaa todobaadyadii la soo dhaafay u baaqanayay duruufo kala duwan..

Inta badan shirka Guddiga Amniga Qaranka ayaa warbixin laga soo saarin, iyadoo la isku dhaafsado xogaha la xiriira ammaanka iyo howl galada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.