Guddiga Farsamada & Maamul dhisidda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo shirjaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb

0 179

Guddiga Farsamada & Maamul dhisidda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo shirjaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaaban doonto xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada iyo Maamul dhisida Galmudug ayaa waxaauu sheegay in isfaham buuxa laga gaarey dhamaan tabashooyinkii ay qabeen Beelaha,isla markaana laga raali geliyey Bulshada Galmudug dib u dhaca xulista Xildhibaannada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya si toos ah loo guda geli doono xulista Baarlamaanka Galmudug loogana baahan yahay inay u diyaar garoobaan xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.