Guddiga ka hortaga Cudurka COVID 19 oo kulan laqaatey ganacsatada M/Hargeysa.

0 194

Guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus ee Soomaaliland ayaa waxaa ay Maanta xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa waxaa ay kulan looga hadley Arrimaha Dhowr ah la qaateen Shirkadaha Soomaaliland keena Jaadka( Qaadka).

Kulanka ayaa waxaa looga hadley xaaladaha cabsida laga qabo Cudurka Corona ee deegaannada Soomaaliland iyo sidii xal looga gaari lahaa in deegaannada Soomaaliland aan la soo gelin wax qaad ah maadaama la mamnuucey.

Xubnaha ka socdey Ganacsatada qaadka ayaa waxaa ay kulanka ka sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyana amar kasta oo kasoo baxa Xukuumadda ee la xiriira joojinta jaadka( Qaadka).

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay diyaar u yihiin bixinta qeyb kamid ah qarashka loogu talo galey in baaritaan loogu sameeyo dadka looga shakiyo Cudurka Coronavirus.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.