Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xurriyada oo kulan ku yeeshey muqdisho

0 182

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,kuwaas oo uu Magacaabey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Casbdi Xayir {Maareeye} ayaa sheegay in sababaha Gudigaan loo Magaceebey, iyada oo ay ka harsan yihiin Maalmaha xurriyada in ka badan Lix Biilood ay ka timid Madaxda Dowladda.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanadkaan 2020 ku calaamadeysay,sanadkii horumarka dib u dhiska,isla markaana Shacabka ay dareemi doonaan waxqabadka dowladda hadda jirta.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sidoo kale ay qorsheyneyso inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah,isla markaana ay Shacabka Soomaaliya ay dooran doonaan cidda ay doonayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.