Guddigii loo xil saaray baaritaanka dhacdadii Bariire oo maanta tagaya deegaankaas

0 319

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire oo ka tirsan degmada Afgooye ayaa sheegaya in Guddi xaqiiq raadin ah oo loo saaray baaritaanka dhacdadii jimcihii lagu dilay dad rayid ah ay ku wajahan yihiin deegaankaas.

Guddigan oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyadoo laga sugayo Bariire.

Wararka ayaa sheegaya in Guddigan ay kormeeri doonaan, goobtii uu falka ka dhacay oo aheyd beer ku taal agagaarka Bariire, halkaasoo 10 ruux oo beeraley ah lagu dilay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Bariire ayaa sheegay inay diyaar garow ugu jiraan soo dhoweynta Guddigan, si loo soo tuso, goobtii uu falka ka dhacay, si ay u soo arkaan xaqiiqada wixii meesha ka dhacay.

Sidoo kale Guddiga ayaa la kulmi doona dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan Bariire, si ay u ogaadaan xaalada dhabta ah iyo wixii meesha ka dhacay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo 5 maalmood gudahood lagu soo bandhigi doono baaritaanka lagu sameynayo qaabkii wax u dhaceen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.