Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo gaarey Marka

0 163

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddoomiye Najax ayaa waxaa qeyb ka ah gudoomiye ku xigeenada siyaasada iyo Amniga gobolka,waxaana Magaalada Marka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo Bulshada Magaaladaas.

Safar shaqo oo ay igu wehelinayaan gudoomiye ku xigeenada siyaasada iyo Amniga gobolka ayaan ku gaarnay caasimada gobolka shabeelaha hoose,waxaan u mahadcelinayaa maamulka odayaasha dhaqanka iyo ciidamada Amniga oo si diiran noo soo dhoweeyay ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

Sidoo kale isaga oo hadal kooban Saxaafadda kusiiyey Magaalada Marka ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in u jeedka ay halkaasi u tageen ay tahay inay dib udhis ku sameynaynayaan xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ee Magaalada Marka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.