Guddoomiye Cawad oo caawa shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay dhowr arrimood

0 261

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa caawa shir jawaa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka.

C/wali Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad oo galabta war qoraal ah soo saaray ayaa waxa uu sheegay in xarunta Baarlamaanka aanan lala soo geli karin Hub, gaar ahaan Gudoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanada.

Warqad uu soo saaray oo uu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa loo kala diray Taliyeyaasha Booliska, Nabad Sugidda, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee Ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Guddomiye Cawad ayaa sheegay markii uu maqlay warkaas inuu la xiriiray Taliska Ciidanka Booliska oo uu weydiiyay arrintan, wuxuuna u sheegay in arrintan ay tahay amni xaqiijin ayna ka timid Madaxda dalka.

Wuxuu sheegay falkan inuu yahay mid ay ka dambeyso Xukuumadda oo uu tilmaamay in ay faragelin qaawan ku heyso Baarlamaanka, midaasina aysan aheyn wax wanaagsan oo ay ku sii socon karto Dowladda, isaga oo sidoo kale tilmaamay ciidamada xarunta Golaha Shacabka in ay ka amar qaataan Guddoomiye kuxigeenka Koowaad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayuu ku eedeeyay inuu sheeda ka daawanayo dhibaato uu sheegay in Xukuumadda ay ku heyso Baarlamaanka, uuna gabay kala ilaalinta xilkii ka saarnaa Hay’adaha Dowladda.

Wuxuu tilmaamay berri wixii ka dhaca xarunta Golaha Shacabka masuuliyadeeda in ay qaadan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna xildhibaanada ka dalbaday in ay sameeyaan talaabo walba oo ay isku difaaci karaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.