Guddoomiye Kuxigeenka SOMA oo shir uga qeyb galay Ghana (SAWIRRO)

0 171

Guddoomiye kuxigeenka ururka Warbahinta Soomaaliyeed ee Somali Media Association (SOMA), ahna Siihayaha Xoghayaha Ururka Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa shir uga qeyb galaya Magaalada Accra ee dalka Ghana oo maalmo kahor halkaasi uu gaaray.

Shirkan oo 2-dii May ka furmay Magaalada Accra ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda UNESCO, waxaana lagu xusayay (WORLD PRESS FREEDOM DAY 2018) oo ah Maalinta Xoriyadda Saxaafadda.

Ustaad Maxamed C/wahaab oo sidoo kale ah Agaasimaha Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in shirkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sida loo heli karo xoriyadda Saxaafadda, ammaanka Wariyeyaasha, sida loo difaaci karo Saxaafadda, Cilmibaarista ay sameeyaan Wariyeyaasha iyo waxyaabo kale.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 700 Wariye ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray sidii loo hormarin lahaa Warieyaasha ka shaqeeya dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya. Gudoomiye Maxamed C/wahaab ayaa kulamo gaar gaar ha la yeeshay Madax ka socotay Hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Mehdi Benchelah oo ah Masuul ka tirsan Hay’adda UNESCO, Amin Alhassan oo ah Prof. wax ka dhiga Jaamacadda Daraasadka Ghana, Jonathan Rozen oo ka tirsan CPJ, Agaasime Sumir Lala, Agaasimaha xarunta xoriyadda Jaamacadda Warbaahinta ee Sheffield iyo madax kale, wuxuuna dhammaantood kala hadlay sidii loo hormarin lahaa arrimaha saxaafadda gaar ahaan in taageero la siiyo Hay’adda SOMA.

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.