Guddoomiye Yariisow oo digniin u diray dadka Dhisanaya Wadooyinka Muqdisho

0 255

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadka doonaya in ay dhacaan hantidda danta guud ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ay ku raadjooggaan dadka dhisanaya Wadooyinka Wadajir iyo sidoo kale Dharkeenley, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tilaabo culus.

Gudoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir aysan aqbali doonin in dhulalka danta guud ay dan gaar ah u isticmaalaan Shaqsiyaad.

Waxaa uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan inta aan laga burburin dadka dhisanaya Jidadka degmooyinka Wadajir iyo sidoo kale Dharkenley ee Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa baraha bulshadda waxaa dhex wareegayay Sawirro Guryo la sheegay in laga dhisaayo Jidcadayeyaasha degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.