Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas isugu yeeray kulan deg deg ah

0 170

Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas waxaa uu isugu yeeray kulan deg deg ah oo dhacaya barqanimada maanta ah.

Xildhibaanada qaar ayaa Risaala u sheegay in farriin uga timid Guddoonka Baarlamaanka laguna wargeliyey in kulankaas deg dega ah ay soo xaadiraan kana soo qeyb galaan.

In kastoo ajandaha kulanka Maanta ee Baarlamaanka galmudug la isugu yeeray aan la shaacin ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay ka hadli doonaan Xubnaha guddiga doorashada Galmudug ee muranka uu ka dhashay.

Xaalka siyaasadeed ee Galmudug ee ku saleysan doorashada ayaa waxaa hareeyey khilaaf xoogan,waxaana hoggaana Ahlusunna oo diidan sida ay wax u socdaan ay kulamo kala duwna ku leeihiin Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.