Gudomiyaha Baarlamanka Oo Sheegey In Dhawaan La Gudo Geli Doono Wada Hadalka Mooshinka Ka Dhanka ah Ee Madaxweynaha

0 331

Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Gudomiyaha Baarlamanka Soomaliya ayaa sheegey in sida uga dhaqsiyaha badan loo gudo geli doono wada hadalka mooshinka ka dhanka ah oo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha federalka soomaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Gudoomiyaha baarlamanka oo maanta shir gudoominaayey kala fadhiga lixaad ee baarlamanaka kulankiisa 40aad ayaa hadalkan ka sheegey in loo baahanyahay suuto gelida in labada dhinac ay kawada hadlaan arintaasi

Jaaweri oo ka codsaday xildhibaanada ku kala aragti duwanaadey mooshinka  garab kamid ah in ay soo buuxiyan ama ay soo dhameystiraan qoraal muujinaya  qaabka ay wadahadalka u galayaan, maalinta berri uga danbeyntii

Dhinaca kale guddoonka baarlamanaka ayaa maanta waxa uu ansixiyay qaraarka lagu dhisaayo golaha wada tashiga Qaranka ee Jiheynta Nidaam Siyaasadeedka iyo qaabka loogu gudbayo August  2016-ka.

waxaan gudomiyaha sidokale uu kala diray guddi hoosaadkii 25-ka xubnood ka koobnaa oo ka shaqeynaayey sida lagu gudbi karo 2016, oo marxaladan horey uga soo shaqeeyey

Gudiga joogtada ah ee baarlamanka ay maalmihii ugu danbeeyey go’aamiyey in la xiro kala dadhiga 16-ka bishan oo ku beegneyd maanta balse taasi ayaa noqatey mid gudoonka uu sheegey in aanu weli la’isku raacsaneyn

Gudonka ayaa sheegay howshan in ay sii wadi doonaan gudiyada joogtada ah ee baarlamanka, kala fadhiga lixaad oo la xiri doono marka laga soo noqdo xajka, uuna soo idlaado wadahadalka mooshinka ka dhanka ah ee baarlamanka federalka soomaliya oo ay ku kala aragti duwanaadeen

Radio Baydhaba

Waxaad Nagala Soo Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.