Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn oo shaqo joojin lagu sameeyay

0 474

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa sheegay in uu shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyaha degmada Walaweyn iyo ku xigeenkiisa.

“Waxaan Shaqa ka joojin ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn iyo Gudoomiye ku xigeenka Qorsheynta ilaa amar dambe waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada sii hayndoona Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Degmada” ayuu yiri Gudoomiye Najax.

Warar sidoo kale ay heshay raadio beydhabo ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda ay xireen Gudoomiyaha Shaqo joojinta lagu sameeyay ee degmada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.