Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo ku dhaawacmay Qarax lala beegsaday

0 161

Wararka naga soo gaaraya degaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Miino lala eegtay gawaari ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ,dadka Qarax lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyeyaasha Shabeelaha Hoose iyo Ceelasha Biyaha Maxamed Ibraahim iyo Ayaan Xasan ayaa lagu dhaawacay qaraxa.

Waxaa loola soo cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladdo Caafimaad lagu dabiibaayo.

Qarax kale oo ka dhacay Macaani ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidan Millitari ah, qaraxyada daqiiqado ayay kala horeeyeen sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Wixii kusoo kordha kala soco Radio baidoa.net

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.