Gudoomiye cumar filish oo kubaxey xalinta shaqaaqadii Dagaal ee maanta kadhacdey muqdisho.

0 157

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile ku dhaxmartay maamulka degmada Deyniile iyo ciidama hubeysan oo ay maamulka degmada ku sheegeen in ay dhulboob sameynayaan.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka isagoo sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkaste oo ku xad gudubta sharciga.

Dagaalkii ka dhacay xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile ayaa sida la sheegay waxaa uu dhex-maray Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo ka yimid Shabeellaha Hoose iyo kuwa Booliska Deeyniile,waxaana ku geeriyoday Shan Ruux oo dhinacyadii dagaalamay ahaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.