Gudoomiye Sheegey in ay ka hortageyaan weerarada Al-Shabaab

0 198

Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur Furdug ayaa sheegay in Amniga Guud ee degmada uu yahay mid la isku haleyn karo,isla markaana qeybaha kala duwan ee Bulshada si caadi ah u wataan howlahooda.

Isaga oo ka hadlayey weerarada Al-Shabaab ayuu sheegay Guddoomiye Qaasim in dhowr mar ay doonayeen inay degmada la wareegaan Al-Shabaab,hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle ay ka hortageen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur Furdug waxaa uu sheegay in tuulooyin hoostaga ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab gaar ahaan wadada xiriirisa Afgooye iyo Balcad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.