Hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Gud. Baarlamaanka oo la soo gaba gabeeyay

0 166

Waxaa maanta oo Khamiis ah la soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa Lix Musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna ka hadleen mid walba waxa uu qabanayo hadii uu ku guuleysto xilka.

Sidoo kale maanta ilaa Shan Musharax oo ahaa kuwa harsan ayaa jeediyay khudbadahooda, waxaana ugu dambeyn la soo gaba gabeeyay khudbadaha Musharaxiinta.

Xubnaha maanta Baarlamaanka khudbadaha ka horjeediyay ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Maalinta Isniinta ah oo Taarikhda ay ku beegan tahay 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga ku aadan Doorashada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.