Haweenay Maseertay oo gubtay guri ay Muqdisho ka deganeyd

0 214

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafadda Cocacola ayaa waxa ay sheegayaan in haweenay Maseertay ay gubtay guri ku yaalla halkaasi oo ka koobnaa 4 qol.

Aabaha dhalay wiilka qabay gabadha Guriga gubtay ayaa warbaahinta u sheegay in ay dabqabadsiisay gabdha guriga ka dib markii ay isku dhaceen wiilka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in xaaladooda laga fadhiistay horay , islamarkaana lagu heshiiyay in la furo, sidaasina ay guriga ku gubtay.

Maxamed Maxamuud oo Aabaha dhalay wiilka gabdha Maseertay qabay ayaa sidoo kale sheegay in uu lahaa Asago guriga la gubay.

Ma jiro wax khasaare Nafeed ah oo ka dhashay sidda uu xaqiijiyay Maxamed Maxamuud.

Maseerka ama Hinaasaha ayaa ah dhibaatooyinka ugu badan ee soo wajaha qoyska dhisan , waxaana dhacda in Maseerka dartiisa ay guryo badan oo dhisan ku burburaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.