Hay’adda Qadar Charity oo gargaar gaarsiisay Qoysas Barakacayaal ah

0 221

Hay’adda Qadar Charity ayaa degaano ka mid ah Soomaaliya ka bilowday in ay ka qeybiso cunto qalalan, taasi oo si deg deg ah lagu gaarsiinayo 6,000 qoys oo ka mid ah dadka ay abaarta ku saameysay gobolada dalka.

War saxaafadeed ay soo saartay Qatar Charity ayaa waxa ay ku sheegtay in cuntada qalalan ee loo qaybiyey 670 qoys oo ay saameeyeen Abaarta, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Baydhabo iyo meelo u dhow, waxayna noqoneysaa wajiga Koowaad ee mashruuca gargaarka.

Qatar Charity ayaa xusay in mashruuca gargaarka deg dega ah uu ka mid yahay qaybinta cunto qallalan, biyo nadiif ah oo la cabbo iyo qaybinta Bustayaal oo loogu tala galay qoysaska si looga ilaaliyo kulaylka qorraxda iyo dhaxanta habeenkii.

Sidoo kale Mashruuca gargaarka ah waxaa kaloo ka mid ah qalab caafimaad oo bixiya adeegyo caafimaad oo aasaasi ah, si loo yareeyo faafidda cudurada, waxaana ka faa’ideysanaya 2,000 oo qoys oo ku nool magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba.

Xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa sanadkan ka sii dari karta abaarta, maadaama isbedel weyn laga dareemayo jawiga cimilada iyo saadaasha, sida lagu sheegay warbixinta caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

Abaarta ku dhufatay dalka ayaa barakicisay Kumanaan qoys oo Soomaali ah oo ka soo barakacay dhulalka fog fog ee dalka, kuwaasi oo wata caruur yaryar iyo dad Da’ah oo aanan heysan daryeel wanaagsan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.