Hey’addaha Amniga oo baaq ku saabsan sugida amniga u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka (Akhriso)

0 188

Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka ayaa war saxaafadeed xaley ay soo saareen waxay baaq ugu jeediyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka

War saxaafadeedka ayaa huwanaa calaamadaha Talisyada ciidamada Booliska, Xoogga dalka, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa waxaa loogu baaqay Xildhibaanada inay gacan ku siiyaan sugida amniga iyo sarreynta Sharciga.

Baaqan ayaa ka dambeeyay, markii ay soo baxday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay ciidamo fara badan u yimaadeen, isla markaana qaar ka mid ah xildhibaanada la arkay, iyagoo ay ilaalinayaan Ciidamo fara badan.

Ciidamada ammaanka ayaa xaley xiray waddooyin badan, iyadoo xaley fiidkii hore Ciidamada ay isku dayeen inay is hor-taagaan gaadiid uu la socday Xildhibaan C/qaadir Cosoble agagaarka Tiyaatarka, waxaana ciidamada galbinayay Xildhibaanka iyo ciidamada ammaanka ay isku sigteen inay is rasaaseeyaan, balse waxaa markii dambe xaalada taagneyd soo farageliyay Wasiirka Amniga Ducaale oo ciidamada ammaanka kula soo hadlay qadka isgaarsiinta, kuna amray inay ka hor-wareegaan gaariga Xildhibaanka.

Dhinaca kale waxaa xaley magaalada Muqdisho gaaray ciidamo fara badan oo Milateri ah, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, ciidamadan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayeen sugida
ammaanka Muqdisho

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.