Hoggaamiyaha Hong Kong oo difaacday sharciga ammaanka uu Shiinaha soo wado

0 138

Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam ayaa sheegtay waddamada shisheeye “inuu boos uga bannaaneen” iney soo farageliyaan sharciga ammaanka uu Shiinaha qorsheynayo ee quseeya arrimaha ammaanka gudaha dalka Shiinaha.
Sharcigan ayaa mamnuucaya khiyaamo qaran, kacdoon, kicin shacab iyo gooni u goosad. Dhinacyada sharcigan cambaareeyeyna waxay sheegeen inuu xaddidayo xorriyadda shacabka magaalada Hong Kong.

Balse Ms Lam oo marki ugu horreeysay meel fagaara ah ka hadashay waxay sheegtay tallabbada sharcigaasi lagu meel marinayo iney tahay tallaabbo “xilkasnimo ah” oo lagu dhowrayo dadka ugu badan ee sharciga u hoggaansamo.
Waxayna gaashaanka u daruurtay inuu sharcigaasi uu laalayo xuquuqda shacabka Hong Kong.

Xuquuqaha ay shacabku leeyihiin waxaa si cad looga qeexay dastuur hoosaadka Hong Kong, lana dhaqan geliyey laga billaabo marki maamulka Hong Kong uu Ingiriiska ku wareejiyey Shiinaha 1997-kii. Sharciga aasaasiga ahna wuxuu shacabka Hong Kong uu u oggolaanayaa, xorriyadda mudaharaadka, oo aan ka jirin dal weynaha Shiinaha.
Dabayaaqadi toddobaadki hore, waxaa waddooyinka Hong Kong ku soo laabtay mudaharaadyo hor leh oo ay ugu dambeysay sanadki hore, booliskuna si ay dadka mudaharaadayaasha u kala eryaan ay adeegsadeen sunta indhaha ka ilmeysiisay.

Sharcigu ma aha mid weli dhaqangalay balse wuxuu haatan marayaa heer qorshe oo ay ugu magac dareen “go’aan qabya ah”, wuxuuse dhaqan galayaa marka uu u codeeyo kalfadhiga baarlamaanka dalka Shiinaha oo toddobaadkan dhacaya.
Marka haddii sharcigaasi cod lagu meel mariyo, wuxuu Hong Kong ka dhaqan galayaa bisha June.

Sharciga oo weli qabya ah oo aan weli dhaqan gelin ayaa caalamka kala kulmay cambaareyn xooggan, balse shirka jaraa’id ee toddobaadlaha oo ay qabatay Ms Lam waxay sheegtay waddamada shisheeye “inuu boos uga bannaaneen iney soo farageliyaan arrimaha socda”.

Ma jiro dal u dulqaadan kara yeelashada sharci amniga qaran ee khaldan, ayey tiri waxayna intaa ku dartay Hong Kong waxay ka tirsan tahay China marka dadlalka kale ee caalamka ka jirana kama duwana.

Hong Kong waxaa sanadki hore hareeyey mudaharaadyo rabshada wata oo bilooyin socday, iyada oo ay mudaharaadayaasha ku dalbanayaan xorriyado dimuqraadiyadeed oo dheeraad ah in lasiiyo shacabka Hong Kong.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.