Dhegeysi:Dekadda Muqdisho oo laga hirgeliyay adeeg Gawaarida Xamuulka ka hortagaya in la saaro Badeeco xad dhaaf ah Albeyrak Dhegeysi:Dekadda Muqdisho oo laga hirgeliyay adeeg Gawaarida Xamuulka ka hortagaya in la saaro Badeeco xad dhaaf ah

0 575

Ku xikeenka Agaasimaha Dekadda Muqdisho ee Shirkadda Al-Beyrak, Sami Erol, oo warfidiyeenka kula hadlay Dekadda Muqdisho ayaa Xusay in ay maanta hirgaliyeen  qalab koranto ku shaqeynaya oo lagu ogaanayo Tanka uu wado gaariga Xamuulka ka soo daabula Dekadda ee Suuqyada geeya Badeecada ay wadaan.

Qalabkaas  waxa uu sheegi doonaa hadii gaariga uu wado Xamuul Xad-dhaaf ah oo sababi kara in gaariga uu Rogmado.

Sami Erol, waxaa uu tilmaamay in Qalabka  uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyin ka soo gaara Ganacsatada Dekadda Badeecadaha  kala duwan kala soo degta,kadibna khasaare ka soo gaara marka uu rogmado gaariga Agabka uwada.

Isagoo hadalkiisa sii wata Ku xikeenka Agaasimaha Dekadda Muqdisho ee Shirkadda Al-Beyrak,  Waxaa uu  sheegay in Ganacsatada Looga  baahanyahay iney Shirkada Maamusha Dekedda Muqdisho ee Turkiga laga leeyahay kala shaqeeyaan sidii loo hirgalin lahaa Barnaamijkan.

Qaar Kamid ah  waddooyinka Muqdisho waa kuwa bur-bursan iyadoo Gaadiidleyda xamuulka qaada ee Dekadda Muqdisho waxaa ay soo raraan Xamuul badan oo xiliyada qaar sababa in wadooyinka ay ku gadoomaan ,islamarkaana ay ka dhalato khasaare Naf iyo maalba leh.

Sababta Gaadiidka Xamuulka qaada ku keeni karto in uu Rogmado ayaa waxaa ka mid ah in Gaariga la saaro Xamuul ka badan Mugga loogu talagalay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.