Howlgal balaaran oo ka socda degmada Buurhakaba

0 293

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal balaaran waxa ay ka Sameynayaan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska degmada Buurhakaba oo la hadlay idaacadda Radio baydhabo ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka wadaan degmada howlgallo lagu baadigoobayo dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee lagu tuhmaayo in ay joogaan Magaalada.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska degmada Buurhakaba Maxamed Ibraahim Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in ay xaqiijiyaan ammaanka degmada Buurhakaba.

Waxaa uu sheegay in ay baaritaano dheeraad ah in ay ku sameyn doonaan dadka lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee howlgalka lagu soo qabto.

Shalay ayay aheyd markii Qarax miino oo geystay khasaare uu ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.