Howlgal lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0 234

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa degaanka Leego ee degmada Walanweyn gobolka Shabeelaha hoose kasameeyay howlgal culus oo saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen 13 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaanka Leego oo kamid ah deegannada hoostaga degmada Walanweyn.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa xusay in Ciidamadda Kumaandooska gobolada dalka ay kawadaan howlgalo dalka looga saarayo Al-Shabaab,isla markaana uu u jeedkiisu yahay inay kala wareegaan deegaannada ay ku sugan yihiin Gobolada dalka.

Si kastaba majirto dhankooda wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Warka kasoo yeeray saraakiisha Ciidanka DANAB ee ah in howgal lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.