Immise Mashaariic ayuu Farmaajo ka soo dhagax Dhigay degaanadii uu booqday

0 247

Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo dhagaxdhigey mashaariicyo badan
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddigaan uu magacaabayo ujeedkooda tahay sidii dabagal ay ugu sameyn lahaayeen mashaariicdii uu soo ballan qaadey, si loola socdo dhaqan galkooda, wuxuuna dhanka kale madaxweynaha uu sheegay iney Dowladda ka go’an tahay iney kaalinteeda ka qaadato.”

Hadaba Halkan Hoose waxaana idin kugu soo gudbineynaa 18-ka mashaariic uu madaxweynaha dhagax dhigay.

Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb
Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
Garoonka diyaaradaha Cadaado
Dhismaha Dekedda Hobyo

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.