Iska hor imaad khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

0 189

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Nabad Suggida Degmada Dharkeynley iyo Ciidan ka tirsan Maamulka Degmada ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Xaafadda Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkenley.

Hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay Iska hor imaadkaasi, sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay inuu dhaawacmay ruux kale oo ka mid ahaa ciidankii wada dagaalamay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in xaaladda hadda caadi tahay, kadib iska hor imaadkaasi ciidanka dhexmaray.

Askariga dhintay ayaa wuxuu ka tirsanaa kuwa maamulka Degmada Dharkeynley, halka askari dhaawaca ahna uu ka tirsan yahay ciidanka Maamulka .

“Meeshaan iska hor imaad ayaa ka dhacay hal askari ayaa dhintay mid kalena waa dhaawac ciidan ka wada tirsan dowladda waaye cida meesha ku dagaalantay hadda xaaladda waa caadi.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iska hor imaadka dhexmaray ciidamadaan ka wada tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ee maanta ku dagaalamay Degmada Dharkiinley.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.