Iska horimaad Khasaare geystay ka dhacay Muqdisho

0 270

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamay degmada Dayniile gaar ahaan xaafadda loo yaqaano saban saban oo ah xero Ciidan sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo ku labisan dharka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in ay maqlaayeen rasaas xooggan oo labada dhinac ay iswaydaarsanayeen.

Dadka degaanka ayaa Radio baydhabo sidoo kale u xaqiijiyay in iska horimaadka uu ku dhintay hal qof.

Ciidamada dagaallmay ayaa dagaalkooda waxaa uu ka dhashay muran dhul ku yaalla degmada Dayniile.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday iska horimaadyo kala duwan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda dhexdooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.