Israa’iil oo duqeysay 2 goobood oo marinka Qaza ku yaalla

0 172

Dowladda Israa’iil ayaa waxa ay sheegtay in ay ka jawaabtay,ka dib markii Gantaallo ay soo rideen Ciidamada falastiin.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaallo marinka Qaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay Koonfurta Israa’iil.

Ciidamda Israa’iil waxay sheegeen in laba gantaal lagaga soo ganay dhinaca marinka Qaza.

Mid kamid ah ayay qabteen ka kalana uu ku dhacay meel aan loogu talagalin.

Ma jirto weli cid ka mid ah Kooxaha hubeysan ee ku sugan Qaza oo sheegtay iney ka dambeysay weerarka gantaalladaasi.

Saacado kaddib, qaar ka mid ah dad deggan Qaza ayaa wxay sheegeen iney diyaaradaha Isra’iil duqeyn u geysteen xero ciidan lagu tababaro oo uu leeyahay ururka Xamaas.

Labada dhanba lama soo sheegin cid wax ku noqotay duqeynta diyaaradaha iyo gantaallada la soo riday midkoodna.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.