Itoobiya oo xabsiga ka siidaysay hoggaamiyihii mucaaradka

0 230

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiga ka siidaysay hoggaamiyaha Mucaaradka ah ee lagu magacaabo Merera Gudina

Qoyska Mereru ayaa u sheegay Warbaahinta in xabsiga laga siidaayay maanta oo Arbaco ah, wuxuuna ku eedeysnaa in uu xiriir la leeyahay kooxo argagixiso ah.

Maalintii isniinta ayay dowladda Itoobiya shaacisay in ay xabsiga ka siidaynayso illaa 500 maxaabiis ah oo la tuhunsanaa.

Muddo labo sano ayaa waxaa Itoobiya ka socday mudaaharaadyo ay samaynayaan shacabka oo ka cabanayay arrimo badan, iyaga oo codsanayay isbadalo .

Bishan horaanteedii ayay dowladda sidoo kale sheegtay in ay la laabanayso dacwadaha loo heysto qaar ka mid ah dadka mucaaradka ah ee xabsiyada ku jira, oo ay ka midyihiin siyaasiyiin hore loo xukumay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.