James Swan Oo Kormeerey mashaariic ay taageeraan UNICEF iyo Hay,ado kale Magaalada Baydhabo[Sawiro]

0 249

Awoodsiinta carruurta, dhalinyarada iyo haweenka ayaa maanta lagu soo qaaday booqashadii uu ku tagay magaalada Baydhabo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,

James Swan. Intii uu halkaas joogay, wuxuu booqday mashaariic ay taageeraan UNICEF iyo saaxiibada kuwaas, oo loogu talagalay in lagu bixiyo adeegyada muhiimka u ah carruurta iyo dhallinyarada barakacay.

Waxaa ku jiray barnaamij waxbarasho oo siiyey fursado waxbarasho oo muhiim u ah carruurta nugul iyo kuwa la gacan-bidixeeyey ee ku jira kaamka Dadka Gudaha Ku Barakacay, iyo xarun tababar xirfadeed halkaas oo 200 rag iyo dumar dhallinyaro ah loogu tababaray xirfado kala duwan si ay ugu shaqeystaan- sida tuubistanimada, korontada iyo rakibaadda qalabka soolarka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.