Japan 141 ruux oo ku geeriyootay Roob xoogleh

0 121

Dowladda Japan ayaa sheegtay in Ugu yaraan 141 ruux ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay in ay ku dhinteen daadadka iyo dhulka soo go’ay ee ku habsaday galbeedka dalka Japan.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa qodaya dhiiqada iyo burburka iyaga oo isku dayaya in ay helaan dad nool oo ku hoos xanniban, maadaa oo tobannaan ruux la la’yahay.

Waa khaasarihi nafeed ee ugu badnaa ee uu roob ka gaysto dalka Japan, waxaana roobab noocan oo kale ahna ugu dambaysay soddon sano ka hor.

Maamulka ayaa iskuullada iyo dhismeyaasha ciyaaraha fudud loogu talagalay u furay dadka hoy la’aanta ku noqday roobabka.

Dad lagu qiyaasay labo milyan oo ruux ayaa laga daad gureeyay gobolkaas ka dib markii ay wabiyadu fataheen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.