Jubbaland Ganacsatadda uga digtay in ay faa’iido ka raadinayaan saameynta COVID-19.

0 535

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa ganacsatada Jubbaland uga digay in aysan kordhinin qiimaha badeecadaha ay iibiyaan iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda uu keenay caabuqqa COCID-19.

Jubbaland ayaa sheegtay aysan aqbali doonin in Ganacsatadda ay faa’iido ka raadinayan saameynta cudurkaasi.

Jubbaland waxa ay sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Ganacsatada qaaliyeeyay Maceeshada si ay uga faa’idaystaan werwerka Cudurka Corona Virus awgii.

Waxa ay xustay in maamulka ay diyaar garow ugu jirto ka hor-tagga saameynta dhaqaale ee uu cudurka Caronavirus keeni karo, isaggoo Ganacsatada ugu baaqay inay waajib iska saaraan daryeelka Bulshadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.