Jubbaland oo kordhineysa sugidda amniga degaanadeeda

0 264

Wasiirka Amniga mamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan) oo meel fagaare ah kula hadlayay dadweyne fara badan ayaa sheegay in la kordhinayo Howlaha xasilinta ee ka socda Jubbaland.
Wuxuu sheegay shacabka in looga baahan yahay in Hay’adaha ammaanka ay uga dambeeyaan ninka dambiilaha ah ee gacanta lagu soo dhigo, taasi oo inta badan ay sameeyaan shacabka in ay u doodaan qof dambiile ah.
Wuxuu sheegay Ciidamada ammaanka Jubbaland qeybahooda kala duwan in har iyo habeen ay u soo jeedaan sidii cadowga ay uga difaaci lahaayeen shacabka, wuxuuna dalbaday in Ciidamada la siiyo kalsooni iyo dhiiranaan.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhowaan amray Ciidamada in ay kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab, si guud ahaan looga saaro degaanada Maamulka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.