Jubbaland oo sheegtay in uu isku soo dhiibay Nabadoon ka tirsanaa Al-Shabaab

0 176

Laamaha Ammaanka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa ay soo bandhigeen Nin Oday ah oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Odayaasha Dhaqanka ee taageera Ururka Al-Shabaab.

Nabadoonka ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed,waxaana saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ka howlgalla degmada Afmadow ay sheegeen in Nabadoonka uu Ugaas u ahaa mid kamid ah Beelaha dega Jubbaland,hayeeshee uu ku biirey Al-Shabaab.

War lagu baahiyey Warbaahinta Maamulka Jubbaland,iyada oo la soo xiganayey Nabadoonka ayaa lagu sheegay in Al-Shababa uu dhibaatooyin badan kala kulmay taas oo keentay in uu la soo xiriiro laamaha Ammaanka degmada Afmadow iyo Maamulka degmada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda,kuwa Maamul Goboleedyada iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay usoo bandhigi jireen Askar uu midba midka kale sheegayo in uu dhinaciisa kusoo biirey,hayeeshee tan Maanta ay soo bandhigeen laamaha Amniga degmada Afmadow ay tahay mid cusub.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.